Madaxweynaha Maamulka Puntland oo lacag ku wareejiyay guddiga dhameystirka garoonka diyaaraha Garoowe

Date:

Xafladan uu Madaxwynaha Puntland ku wareejinayaay lacagtaani waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday  Golayaasha Maamulka Puntland Gudiyada Dhammaystirka Garoonka diyaaradaha Garoowe iyo  wadada Ceel Daahir Ceerigaabo, maamulka Gobolka, isimo ,Culumo awdiin ,haween iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Duulsita hawada iyo Garoomada Puntland xassan xaaji Siciid oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii Goobta ka hadashay ayaa si kooban uga war bixiyay waxyaabaha ka dhiman Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ee ay dowladu dhammaystirayso.

C/fataax maxamed Cabdi Kismayo oo ka mid ah Guddiga dhammaystirka Garoonka Garoowe waxa uu ka mahadceliyay Go’aanka Madaxwaynaha ee gabagabaynta Garoonka Garoowe isagoona bogaadiyay isku tashida shacab iyo maamul ee Puntland .

Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxwayanah Puntland ayaa ku baaqay isku tashi bulsho isagoona Xusay in lacagta dhammaystirka Garoonka Garoowe dawladiisu bixinayso shacabkana looga baahan yahay ka qayb qadasho wadaniyadeed.

Wadaxayanah Puntland ayaa dhanka kale sicad u sheegay in ay muhiim u tahay shacabka iyo Maamulka Puntlanba dhammaystirka wadada Ceel Daahir Ceeri -Gaabo ayna door muuqda ka qaadan doonto Horumarka kaabayaasha dhaqaale ee Puntland .

Gabagabadii xafladana Madaxwaynaha Puntland ayaa ku wareejiyay  Guddiyada dhammaytirka Garoonka diyaaradaha Garowe iyo wada Ceel daahir Ceerigaabo jeeg lacageed oo dahn saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...