Madaxweynaha Maamulka Puntland oo lacag ku wareejiyay guddiga dhameystirka garoonka diyaaraha Garoowe

Date:

Xafladan uu Madaxwynaha Puntland ku wareejinayaay lacagtaani waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday  Golayaasha Maamulka Puntland Gudiyada Dhammaystirka Garoonka diyaaradaha Garoowe iyo  wadada Ceel Daahir Ceerigaabo, maamulka Gobolka, isimo ,Culumo awdiin ,haween iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Duulsita hawada iyo Garoomada Puntland xassan xaaji Siciid oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii Goobta ka hadashay ayaa si kooban uga war bixiyay waxyaabaha ka dhiman Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ee ay dowladu dhammaystirayso.

C/fataax maxamed Cabdi Kismayo oo ka mid ah Guddiga dhammaystirka Garoonka Garoowe waxa uu ka mahadceliyay Go’aanka Madaxwaynaha ee gabagabaynta Garoonka Garoowe isagoona bogaadiyay isku tashida shacab iyo maamul ee Puntland .

Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxwayanah Puntland ayaa ku baaqay isku tashi bulsho isagoona Xusay in lacagta dhammaystirka Garoonka Garoowe dawladiisu bixinayso shacabkana looga baahan yahay ka qayb qadasho wadaniyadeed.

Wadaxayanah Puntland ayaa dhanka kale sicad u sheegay in ay muhiim u tahay shacabka iyo Maamulka Puntlanba dhammaystirka wadada Ceel Daahir Ceeri -Gaabo ayna door muuqda ka qaadan doonto Horumarka kaabayaasha dhaqaale ee Puntland .

Gabagabadii xafladana Madaxwaynaha Puntland ayaa ku wareejiyay  Guddiyada dhammaytirka Garoonka diyaaradaha Garowe iyo wada Ceel daahir Ceerigaabo jeeg lacageed oo dahn saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...