Urur Goboleedka Midowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay ayaa ka hadlay xaalada kusoo korortayย ย xiisaddii dalalka Jabuuti iyo Eritarya, kaddib markii ay Ciidamada Eritarya qabsadeen dhulka la isku heysto ย ee xuduuda labada dal.
Gudoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa shaaciyey in uu ka welwelsanyahay xaalad cusub ee kusoo korortay xuduudaha labadda dal ee Jabuuti iyo Eritarya Sidoo kale Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa soo cusboonasha khilaafka u dhaxeeyo Jabuuti iyo Eritarya ku sheegay in uu soo nooleeyey khilaafka u dhaxeeyo Wadamada Khaliijka.
Labada Dowlad ayaa waxaa horay ugu kala dhaxjiray ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday dalka Qadar ayagoo isaga baxay halkaas kadib markii ay dowladda Eritarya Xiirka u jartay Dowladda Qadar halka ay Dowladda Jabuutina hoos u dhigtay xiriirkii Diblomaasi ee kala dhaxeeyeyย dowladda Qadar.
Qaraar kasoo baxay Qaramadda midoobay ayaa waxaa horay labadda dal loogu amray in ay ciidamadooda kala baxaan dhulka la isku heysto ayadoo geysan ciidamadda nabad ilaalinta ah ee ka socday dalka Qadar.