Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ee ku sugan Garoowe oo la kulmay Gudoonka Baarlamaanka Puntland

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Gudoomiye Ku-Xigeenka, iyo Guddiga joogtada ee Baarlamaanka puntland. Waxa ay kawada hadleen sidii ay wada shaqeyn u dhexmari laheyd Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa uga mahadceliyay Gudoomiyaha sida wanaagsan ee uu u aqaabilay wafdiga uu hogaaminayo.

“Waan kaaga mahadcelinayaa sida quruxda badan ee aad noo qaabishay aniga iyo wafdiga aan hogaaminayo oo magaaladan u jooga in ay kulamo wadatashi la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan idinka rajeyneynaa in aad na la garabgashaan hawsha muhiimka ah ee dib u eegista Dastuurka ee aan Qaranka Soomaaliyeed u hayno” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambeyn, Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaa kulamo la qaadan doono dhaman masuuliyiinta sar sare ee dawlad goboleedka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...