Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ee ku sugan Garoowe oo la kulmay Gudoonka Baarlamaanka Puntland

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Gudoomiye Ku-Xigeenka, iyo Guddiga joogtada ee Baarlamaanka puntland. Waxa ay kawada hadleen sidii ay wada shaqeyn u dhexmari laheyd Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa uga mahadceliyay Gudoomiyaha sida wanaagsan ee uu u aqaabilay wafdiga uu hogaaminayo.

“Waan kaaga mahadcelinayaa sida quruxda badan ee aad noo qaabishay aniga iyo wafdiga aan hogaaminayo oo magaaladan u jooga in ay kulamo wadatashi la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan idinka rajeyneynaa in aad na la garabgashaan hawsha muhiimka ah ee dib u eegista Dastuurka ee aan Qaranka Soomaaliyeed u hayno” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambeyn, Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaa kulamo la qaadan doono dhaman masuuliyiinta sar sare ee dawlad goboleedka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...