Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo lagu wareejiyey sharciga la dagaalanka Musuqa

Date:

Muqdisho, 14 June 2017 –Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta xafiiskiisa kula kulmey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Ciise Weheliye Macalin ayuu kala wareegey Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in la horgeeyo maalinta beri ah Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka dibna ay u ansixiyaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo,sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

“Waxaan bilowney inaan heshiis caalamiya la sameyno Hay’addaha ka shaqeya arimaha la dagaalanka Musuq maasuqa si aan u daba jarno musuqa”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa beri shirka Golaha Wasiirada loogu qeybinayaa si ay uga doodaan,hadii ay ansixiyaan waxaa la horgeen doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.Wuxuuna ka mid nqon doonaa sharciyada ay ku dhaqanto dowlada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....