Ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi oo boggaadiyey dib u heshiisiin ay dowladda hoggaaineyso.

Date:

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi  oo ka soo qeyb-galay shirweyaha wadatashiga hannaanka dib u heshiisiinta , ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la yimaadaan is cafin dhab ah oo ku aaddan Soomaali mideysan.

“shirweyne Soomaaliyeed oo lagu xuso madaxdii hore ee dalka waa qeyb ka mid ah db u heshisiinta Soomaaaliyeed, waxaan uga mahadcelinayaa dhabbaha ay qaadday dowladda Federaalka Soomaaliya macdammaa ay bilowdey in ay la tashato dadweynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in loo baahan yahay is cafin, hanta isu-celin iyo in beelaha Soomaaliyeedna ay si dhaqan ah uga qeyb-qaataan arrimaha dib u heshiisiinta,  waxa uu tilmaamay in ay  run tahay inaan wada ogaanno sida Soomaalida ay ugu sahlan tahay in ay heshiiyaan, waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaaliyeed in ay fahmaan oo ay taageeraan dib u heshiisiinta, isla markaana ay ka qeyb-qaataan.

Ra’iisul wasaarihii hore Cali  Maxamed Geeddi ayaa Dowladda Soomaaliya  ugu baaqay in xuquuqda caasimadda  la helo oo dadka deegaan xuquuqdooda siyaasadeed iyo matalaaaddooda dib loo siiyo, ayna ku imaan karto maqaamka Muqdisho oo la nidaamiyo,  taas oo uu xusay in ay qeyb ka tahay dib u heshiisiinta ummadda.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayuu ku ammaanay sida uu maamulkiisa uga qeyb-geliyey bulshada Soomaaliyeed ee deegaannada kale dalka deggan, waxa uu ku tilmaamay in ay tahay bilow fiican.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...