AKhriso khudbadaha shirweynaha Wadatashiga hannaanka dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka furmay

Date:

Shirweynaha wadatashiga Qaran ee dib u heshisiinta Soomaaliya, ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galayRa’iisul wasaare ku xigeenka Xukuuumadda, wasiirro ka kala socda dowladda Federaalka, dowlad gobolleedyada dalka, ururrada bulshada gobollada dalka, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Culummaa’udiin Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana si  toos ah looga tashanayaa hannaankaa dib u heshiisiinta, waxaana soo qaban-qaabisay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa), ayaa ugu horreyn u Mahadceliyey howl-wadeenna wasaaradda, shirkaan waxa uu ku saabsan yahay ayuu ku sheegayin ay taay shirkaan sidii  loo helo wadadii loo mari lahaa dib u heshiisiinta Qaranka.

“shirkaan waxyaabaha ka soo bixi doono waxaa ka mid ah tallooyin dhaxalgal ah oo ku aaddan hannaan hufan oo dib u heshiisiinneed, shirkaanna waxa uu horu-dhac u yahay shirarka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, qodobbada shirka ka soo baxa waa inaan ka shaqeynnaa sidii loo dhaqangelin lahaa, khubarro badan ayaan u saarnay in ay keenaan sida looga  faa’ideysan karo hannaanka, dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in aysan tallada farahooda ka  bixin oo ay is cafiyaan” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Ugu dameyn wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqay cid walba oo ku howlan arrimaha dib u heshiisiinta in ay ku soo biirto shirweynahan oo ay keenaan tallooyinkooda muhiimka ah, wasaaradda Arrimaha Gudahana ayaa soo dhoweyn doonto cid walba oo tallo iyo isu keenidda ummadda Soomaaliyeed ka shaqeysa, waxa uu xusay in muhiimaddu ay tahay sidii aan u taabagelin lahayd qodobbadaan shirkaan ka soo baxa.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed in shirkaan ka qeyb-galay uu noqdo kii soo gabo-gabeeya khilaafaaadka dadweynaha Soomaaliyeed ka dhaxeeya, dib u heshiisiinta waxa ay aas-aas u tahay nabadda, horumarka, Caddaaladda iyo Iskaashiga bulshada oo dhan, marnaba inaan laga harin arrimaha dib u heshiisiinta ayaan ku talinayaa,  waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga qeyb-galo dardargelinta howlgallada nabadda ee ka socda magaalad Muqdisho.

“Caasmadaha dunida waxaa ku nool celis celis ahaan 10% Muqdisho waxaa ku nool in ka badan 25%, taas oo daliil ah in ay ku  wada nool yihiin bulshada Soomaaliyeed oo dhan, waxaan ugu baaqayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee caasimadda ku nool  in ay isa-saamaxaan oo ay is cafiyaan, maadaama bil Barakeysan ee Ramadaan lagu gudo jir, shirweynahanna guul ayaan u rjeynayaa” ayuu yiri  Duqa Muqdisho.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis) oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa soo jeediyey Muxaadaro Arrimaha dib  u heshiisiinta ku saabsan iyo saddexda qodob ee dib u heshiisiinta Salka u ah.

1-dowladnimada iyo inaan ogollaanno, sida ku xusan axaadiista iyo Kurubta ALLE, waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegayaa In waajib ay tahay inaan adeecno madaxda dalka oo aan dowladnimada ilaalino.

2-Howlaha dowladda qabato iyaguna in ay noqdaan kuwa ku dhisan daacadnimo iyo in ay la timaado kalsoonida shacabka, dowladda waxaa waajib ku ah in ay ilaaliso ammaannada ummadda,  isla markaana madaxda dowladda ay ku shaqeeyaan caddaalad.

3- in laga fogaado khilaafaadka Siyaasiga ah oo fashilka ku keenaya dowladnimada, Arrimaha dadka Qabaa’ilka isku hayana in dowwladda ay ka shaqeyso sidii loo xalin ahaa, waxaan ugu dameyn soo jeedinayaa in la dhiso ciidan nadiif ah oo ka turjumaya Qarannimada Soomaaaliyeed.

Dib u heshiisiinta saddexdaas qodob ayuu ku tilmaamay in ay u yihiin fure.

Duubabka iyo Ugaasyada Dhaqanka Soomaaliyeed ee shirweynaha ka soo qeyb-galay ayaa si mideysan ugu baaqay in loo istaago xal ka gaaridda Arrimaha Dib u heshiisiinta, maadaama toban sanno kaddib gogol dib u heshiisiinneed laga furay caasimadda, iyaguna ay diyaar u yihiin in ay hormuud ka noqdaan Dib u heshiisiinta Qaranka.

Dhinaca kale waxa ay si weyn u soo dhoweeyeen dedaalka dowladda  ku aaddan howlallada nabadyada caasimadda  iyo haddii xitaa ay sameyneyso Hub ka dhigis, si dalka  uu u nuqdo ammaan la is ku lahayn karo.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmd Gaballe, ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin buuxdo ka qaadanayaan dib u heshsiinta, isla markaana ay taageero weyn u hayaan shirweynaha hanaanka dib heshisiinta Qaran ee Muqdsho ka furmay, waxa ay sheegtay in Dumarka Soomaaaliyeed ay mar walba midnimada ummadda hormuud ka ahaayeen welina ay sii wadi doonaana arrimahaas. Dowladda guud ahaan ayeey uga maahadcelisay doorka gabdhaha laga siiyey siyaasadda iyo hey’adda  kale ee dowladda.

Diinii Maxamed Diini Guddoomiyaha ururrada Bulshada Rayidka Soshensa, waxa uu sheegay in la heysto fursad muhiim ah oo ku aaddan dib u heshiisiinta, loona baahan yahay in laga miro-dhaliyo shirweynahan, waxa uu xusay in muddo dheer ay soo socdeen shirarka dib u heshiisiinneed, hasa yeeshee in kaalinta bulshada rayidka sare loo qaado si natiijada ay u noqoto mid loo dhan yahay, ugu damneyn waxa uu ku baaqay gogosha dib u heshiisiinna la geeyo magaalooyinka Soomaaliyeed ee muddooyinka dheer colaadaha ku jiray.

Ismaaciil Macallin Muuse guddoomiyaha dib u heshiisiinta Qaran, ayaa mahad ballaaran u jeediyey wasaaradda Gududaha iyo Dib u Heshiisiinta ee qaaddey  hannaankii loo mari lahaa dib u heshiisiinta, waxa uu sheegay in macluumaad ay guddiga ka soo uruurriyeen gobollada dalka, waxa uu sheegay in dibu heshiisiinta ugu weyn ee loo baahan yahay in ay tahay midda siyaasadda.

Ku Simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ay tahay udub-dhexaadka siyaasadda dowladda, “Diinta Islaamka waxa ay na fareysaa inaan nabad ku wada noolaano, waxaa waajib ah inaan u midowno sidii aan uga hortagi lahayn dadka sida Khaldan u adeegsanaya Diinteena, si ummaddeenna ay u noqdaan kuwa heshiis ah oo horumar iyo nabad ku wada ool” ayuu yiri Ku simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.

Waxa uu sheegay in uu jiro Khilaaf Siyasaadeed oo mddo soo jiray, si  xal uga gaaro tabasho walba in la bilaabi doono  dib u heshiisiinta siyaasadda,  midda Diiniga ahna Culimada ayuu ugu baaqay in ay u istaagaan arrintaas.

Mudane Mahdi ayaa sheegay in siyaasadda Xukuumaddu ay tahay  sidii loo dhaqangelin lahaa qodob walba oo ay ku heshiiyaa bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna sheegtay in uu furan yahay shirweynaha Qaran ee hannaanka dib u heshiisiinta.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...