Dowladda Iran oo diyaarado raashiin sida u dirtay Qatar

Date:

Dolwadda Iran ayaa sheegtay in ay dalka Qatar u dirtay shan diyaradood oo sida cuno iyo Khudaar kala duwan, xilli dalka Qatar uu la daalaadhacayso cuni yari soo food saartay kadib go’doomintii wadamada Khaliijka ay ku soo rogeen.

Afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha ee Iran Air, ninka lagu magacaabo Shahrokh Noushabadi, ayaa wakaalada wararka ee dalka France ee AFP  u sheegay in Axaddan maanta ah ay Qatar u direen diyaarado sida cuno iyo Khudaar noocyo badan leh.

“Ilaa iyo hadda waxaan dirtay shan diyaaradood oo sida cuno iyo Khudaar kuwaas oo gaaraya  90 tan , iyadoo sidoo kale la direyo mid kale,” ayuu yiri Noushabadi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale, sheegay in daabulidda raashiinka ay geenayaan dalka Qatar.

Dowladda Qatar, ayaa 40% cunada laga isticmaalo dalkeeda waxaa ay ka heli jirtay boqortooyada Sacuudiga oo xadkeeda xirtay.

Wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganaysa wakaaladda ee Tasnim ayaa soo warisay in sadex Markab oo wada 350 tan oo raashiin ah ay aadi doonaan dalka Qatar.

Dowaldda Iran ayaa sidoo kale, Qatar  u furtay hawadeeda si ay diayaaradaha Qatar u istcimaalaan maadaama dalalka jaarka lahaa ay dhan kasta ka xirteen xuduudahooda; sida badda, dhulka iyo cirka.

Dhowaan, ayaa dowladaha Khaliijka; sida Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo kuwo kale waxaa ay xiriirka u jareen dalka Qatar ayagoo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagaxisada, hase ahaatee Qatar gaashaanka ayay u daruurtay eedeyntaas.

Dadka ka faalooda siyasadda bariga dhexe, ayaa aaminsan in xiriirka ay Qatar la yeelatay dalka Iran oo kamid ahaa waxyaabihii keeney khilaaftan, iyadoo raashiinka Iran ay Qatar geysay uusan aheyn mid qaboojinaya xiisada taagan.

Qatar ayaa dhankeeda sheegtay in aysan ka aar goosan doonin dalalka xiriirka u jaray isla markaana muwaadiniinteeda u qabtay 14 cisho gudahood isga baxaan wadamadooda.

Ku dhowaad 11,000 oo ruux ayaa ku nool wadanka Qatar kuwaas oo ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka...