Taliyeyaasha ciidamada oo soo saaray awaamiir dhinaca amniga iyo digniin cusub (Akhriso)

Date:

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Nabadsugida, Milateriga iyo Wasiirka Amniga ayaa caawa soo saaray awaamiir culus oo ku aadan xasilinta Ammaanka Muqdisho, iyagoo u digay cid alla cidii ka hor-timaada in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen caawa Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ugu horeyn hadlay Taliyaha Ciidamada Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo dareyska ciidanka xirnaa.

Taliye Sanbaloolshe ayaa sheegay in iska hor imaadkii maanta ka dhacay degmada Kaaraan aanu aheyn mid u dhaxeeya ciidamo, balse uu ahaa iska hor imaad dhex maray Ciidamada Xasilinta iyo Kooxo Burcad ah oo rabay inay raashin dhacaan, kuwaasoo uu xusay in gacanta lagu haayo.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xakameyn fara badan la sameeyo, si looga hortago qaraxyada iyo amni darada, si buu yiri amniga u hagaago.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen, Cirfiid ayaa isna sheegay in laga baxo dhamaan guryihii ay lahaayeen ciidamada xoogga dalka, isla markaana lagu baneeyo illaa 1-bisha July.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. C/xakiin Daahir Saacid ayaa sheegay inay wixii hada ka dambeeya ay mamnuuc tahay dareyska ciidamada oo lagu dhex sito magaalada iyo askari hubeysan oo aan fasax heysan.

Waxaa uu xusay in la sameyn doono xafiis 48-ka saac soo socda lagu diiwaan geliyo ilaalada ay wataan Mas’uuliyiinta, isla markaana lagu siiyo aqoonsi iyo dhar gaar ah, sidoo kale aan la ogolaan doonin in magaalada ay ku socdaan ciidan aan aheyn kuwa xasilinta.

Halkan Hoose ka akhriso awaamiirta Ammaanka:-

1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 July ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...