R/Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la dar-daarmay Ardayda Jaamacadaha Dalka.

Date:

Muqdisho, 07 June 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa boqolaal ardey oo isaga kala yimid Jaamacadaha dalka, kula hadlay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuna kula dar-daarmay in wadajir loogu istaago sidii looga shaqeyn lahaa Soomaaliya mar kale cagaheeda isu taagtay oo ka tilmaaman dalalka kale ee Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha sheegay in dib-u-howlgelinta Jaamacadda Umaddu ay tahay astaan qaran, isla markaana ay Xukuumaddu xooga saari doonto sidii loo dhisi lahaa guud ahaan xarumaha ay leedahay Jaamacaddu, gaar ahaan xarunta weyn ee Gaheyr.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marinaa tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka” ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre oo intaas raaciyey .

” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka, dhalinyarada maanta hortayda fadhida waa mustaqbalkii bari iyo hoggaamiyeyaashii ina badeli lahaa”.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku dheeraaday halgankii gobonimo doonka iyo doorkii shariifka ahaa ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka qaateen, gaar ahaan SYL iyo sidii uu ku yimid bilowgii feker-kaasi . Wuxuna hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in jiilka cusub laga helo dhalinyaro leh feker lamid ah kii 13-kii SYL.

Jaamacadda Ummadda ayaa kaalin sare kaga jirtay soo saaridda aqoonyahano iyo xirfadlayaal ka hor inta aanay burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare, Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada oo dhamaantood tilmaamay ahmiyada kulankani u leeyahay dhalinyarada waxbaratay.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...