Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatay Madaxda Maamulka Jubbaland

Date:

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee madaxda Maamul Goboleedka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay arimaha amaanka gaar ahaan xureynta degmooyinka weli gacanta ugu jiro kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab iyo sida ugu fudud ee looga xoreyn karo deegaanadda ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

sidoo kale kulanka ayaa diirada lagu saaray siddii loo xoojin lahaa wada shaqeyntaha Hay’addaha Dowladda kuwa Federaalka ah iyo kuwa Maamul Goboleedka Jubballand , waxayna Dowladda Soomaaliya balanqaaday in ay si buuxdo u garab taaganaato maamul Goboleedyadda.

Dhanka kale Madaxweyane Maxamed C/llahi farmaajo ayaa xalay kormeeray guud ahaan jawiga Magaalada Kismaayo asagoo dhax galay bulshadda ku dhaqan Magaalada Kismaayo isla markaana la sheekeystaty dhalinyaro ku fiidsanaayey mid ka mid ah Maqaayadaha Magaalada Kismaayo si uu wax badan uga ogaado dareenka Shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...