Taliska Ciidamada Taraafikada Soomaaliyeed oo Amaro kasoo saaray kala gadashada Gawaarida

Date:

Taliyaha Ciidamadda Taraafikadda Soomaaliyeed Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ka hadlay habka saxda ah ee laga doonayo dadka kala iibsanaayo  Baabuurta.

Taliyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in qofka gaariga iibsanaayo in uu ku dadaalo in buuga gaariga lagu qoro magaciisa si loo ogaado in uu gaariga leeyahay.

Taliyaha oo ka hadlayey howlgal ay kula dagaalayeen in gawaaridda lagu baakimo Hareeraha Wadadda Maka-almukarmaha ayaa yiri “gaarigii aan soo qabano ee aan kasoo qaadno goobaha baakinka loo diiday ee wadada hareeraheed ah qofka sheeganayo waxaa laga doonayaa in uu la yimaado buug uu ku cadeynayo lahaanshihiisa waxaana qasab ah in uu Magaciisa ku qornaado ” .

Dadka kala gadanaayo Gawaarida ayaa laga dhursugayaa in ay dhaqan geliyaan amarkan kasoo baxay Taliska Taraafikadda Soomaaliyeed si ay uga badbaadaan culeyso badan oo soo wajihi karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...