Garoowe oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenka Tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Hiliwaa oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Garoowe oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Tartanka oo aad u xiiso badnaa, waxaa qeybta hore labada degmo la weydiiyey min afar su’aal, halkaas ayaana lagu haliyey qeybtaas, waxaana kaddib la soo gudbiyey warbixinnadii joogtada ahaa ee ka hadlayey Taariikhda labada degmo ay leeyihiin.

Natiijada degmada Hiliwaa

Degmada Hiliwaa ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal toddobadana ma aysan ka jawaabin, hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, sdiaas ayeey ku heleen laba dhibcood (2 dhibcood)

Natiijada Garoowe

Degmada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaa iyana la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba ka mid ah su’aallahaas, shan waa ay iska qaldeen, saddex su’aal si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabbeen, waxa ay heleen toban dhibcood degmada Garoowe (10 dhibcood), Garoowe ayaana u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe, waxaa foodda is dari doona degmooyinka kala ah Deyniile iyo Shibis oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...