Ra’iisul Wasaaraha oo u kuur galey howlaha shaqo ee Dekedda Muqdisho.

Date:

Muqdisho, 06 June 2017…Ra’iisul Wasaaraha XFD Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Dekedda Muqdisho, waxaana ku soo dhaweeyey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys, Maareeyaha Dekada Muqdisho iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala, wuxuna mid mid u booqdey xafiisyada ay ku howl-galaan shaqaalaha dekedda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka dekadda kala hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada, loona horumarin lahaa dekedda Muqdisho, sidoo kalena waxuu la sheekeestey Ganacsatada alaabta kala soo dageysey dekadda, isagoona ka wareystey sida loola dhaqmo marka ay usoo degayaan badeecooyinka. Waxuu maamulka dekadda ugu baaqey iney ilaaliyaa xariirka Ganacsatada, loona fududeeyo sidii ay ganacsigooda hab nidaam ah u mari lahaa.

“Waa iney helaan Ganacsatada Soomaaliyeed qadarin gooniya si loo dareensiiyo iney dalkan iyagu leeyihiin, taasina waxaa keeni karta iyadoo loo fududeeyo Ganacsigooda”ayuu yiri R/W Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormaarkani u noqonayaa markii Shanaad ee uu booqdo Dekadda. Waxuuna maamulka iyo shaqaalaha kula dardaarmey iney nidaam caddaalad ah ugu shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay iska ilaaliyaan wax walba oo keeni kara musuq-maasuq.

—-DHAMMAAD—-

6Z0A7947
6Z0A7957
6Z0A7881
6Z0A7894
6Z0A7908
6Z0A7970
6Z0A7883
6Z0A7947

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...