Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Qunsulka Dalka Hindiya Ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kuqaabilay wefti ka socdey safaarada Hindiya ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya Mr Rajesh Swami.

Weftigani oo Garoowe soo gaaray maalinimadii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko kusoo dhoweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana ay isla maata gelinkii hore kulan kula qateen Madaxtooyada Garoowe Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn ku soo dhoweeyey weftigani Puntland, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee Puntland iyo dalka Hindiya kaas oo ay iska kaashan jireen arrimaha Ganacsiga iyo Waxbarasha, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in laga warhayo xiriirkaas soo jireenka ah.

Dhinnaca kale Qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya  Mr Rajesh Swami ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin adkaynta iyo xoojinta xiriirka, isla mar’ahaantaana ay xooga saaridoonaan kuna fara adaygi doonaan sii jiritaanka iska garabsiga arrimaha Ganacsiga, Waxbarashada, Kalluumaysiga  iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan kobcinta iyo sare u qaadida arrimaha Bulshada sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarasha, Caafimaadka iyo Biyaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...