Qunsulka Soomaaliya ee Yeman oo sheegay in dhowaan la aasi doono meydadka dadkii doonta lagu duqeeyay

Date:

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan danjire Axmed Cabdi Xasan (Suudaani) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa faahfaahin ka bixiyay wadahadalo uu la qaatay madaxda dowladda  Yaman iyo mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha UNHCR, IOM iyo ICRC, kuwaas oo fadhigoodu yahay Magaalada Cadan.

Danjire Axmed Suudaani, wuxuu sheegay in dadaal dheer kadib ay Qunsuliyadda u suurta gashay in xabsiyada laga sii daayo qaxootigii Soomaaliyeed ee ka badbaaday doontii lagu duqeeyey xeebaha magaalada Xudayda ee dalka Yemen, horraantii bishii Maarso 2017, sidoo kalana bukaanada duqeyntaasi ku waxyeeloobay dhaawacyadooda loo soo wareejiyo magaalada Cadan.

 

Qunsulka ayaa hoosta ka xariiqay in hadda laga guuleystay siideynta 115 qaxooti Soomaaliyeed ah oo isugu jiray Carruur, Haween iyo rag, halka kuwii dhaawacyada qabayna loo daadgureeyay Magaalada Sanca.

“Qaxootiga laga soo daayey xabsiyada xudayda tiro ahaan waxa ay gaarayan 86 rag ah iyo 27 dumar iyo 2 carruura, waxaana loo sameynayaa baaritaano caafimaad ka hor inta aan loo soo qaadin Caden,  si ugu dambeyn loogu soo daad gureeyo dalkoodii hooyo, Qunsuliyadduna ay u diyaariyaarisay dhammaan dukumiintiyadii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri Mudane Axmed Suudaani.

Dhinaca kale, qunsulka guud ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan Mudane Axmed Suudaani, ayaa sheegay in maalinta khamiista oo ay taariikhdu ku beegantahay 25 May 2017 la aasi doono meydadka 31 ruux oo ahaa qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu laayey dooni ay la socdeen, isagoo arrintaasi si gaar ah uga mahad celiyey hay`adda ICRC iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee  Sanca oo gacan ka gaystay.

Ugu dambeyn Qunsulka ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ubadkooda, isalamarkaana aysan u soo dirin dalka Yemen oo la daalaa dhacaya colaado Sokeeye ee dalkaas ka socota.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...