Dood Cilmiyeed: warbaahinta iyo heyโ€™adaha amniga

Date:

Dood Cimiyeed ku saabsan sida ay u wada shaqeyn karaan heyโ€™adaha ammaanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ka qeyb-galeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiil ka kala socotay heyโ€™adahaย  Xafiiska Midowga Yurub, heyโ€™adda ALBANY iyo Machadka cilmi-baarista Soomaaliyeed ee u adkeysiga dhibaatooynka, SDRI.

Ka hor dood cilmiyeedka ayaa lagu soo bandhigay madasha Cilmi-baaris laga sameeyey gobollada Banaadir, Baay iyo Mudug, taas oo ku aadaneyd saameynta Warbaahinta iyo Heyโ€™adaha amniga ay ku leeyihiin arrimaha Federaalka iyo isqab-qabsiga dhulalka oo gobollada Soomaalida aad.

Dhinaca kale Dood Cilmiyeedka ย ayaa diiradda lagu saaray sida ugu habboon ee xoogga loo saari karo isku xirka heyโ€™adaha amniga iyo Saxaafadda, isla markaana sare loogu qaadi lahaa xiriirka wada shaqeyn ee heyโ€™adahaas ka dhaxeeya.

Ku xigeenka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tom Even, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn heyโ€™adaha warbaahinta iyo kuwa amniga, taas oo sare u qaadeysa himilada shacabka ee dhinaca horumarka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane C/naasir Saciid Muuse, ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay ka goโ€™an tahay in ay wada shaqeyn la yeeshaan warbaahinta Soomaalida, isla markaana ay ku howlan tahay wasaaraddu sameynta xarun xiriirisa iyaga iyo warbaahinta si amniga iyo horumarka looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Warbaahinta & Hannuuninta Dadweynaha Xukuumadda Soomaaliya, mduane ย Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in wasaaraddu ay xoogga saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga iyo aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed, si ayย  danaha dalkooda ugu adeeggaan .

Ugu dambeyn xubnihii dood cilmiyeedka wadagay ayaa soo bandhigay Qataraha la xiriirra wararka deg degga ah ee lagu qoro baraha bulshada (Social Media) iyo kuwa laga soo tebiyo goobaha dagaallada oo intaba halis ku ah nafta suxufiyiinta iyo amnigooda.

ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...