Dib u dhac ku yimid xafladii caleema saarka Madaxweynaha Galmudug

Date:

Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta Galmudug Daahir Faax Fiidow oo u waramay Wakaalada wararka ee SONNA ayaa sheegy in dib loo dhigay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo lagu waday in ay dhacdo 24-ka Bishaan May.

Wasiir daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “xafladii caleema saarka dib ayay u dhacday sababtana waxay tahay waxaa la sugaayay in uu kasoo qeyb galo Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxaed (Farmaajo) wayna dhiciweysay sababtoo ah Madaxweynaha waxuu ku maqanyahay shaqo qaran,sidaas darteed waxaa leesla gartay in caleema saarka laga dhigo 27ka bishaan May,”.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Wasaarada  Warfaafinta Galmudug  ayaa sheegay in Caleemasaarka Madaxweynaha Cusub ee Galmudug uu  ka qeyb gali doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...