Deeqo Diraac oo xanuunka Macaanka ugu geeriyootay Isbitaal ku yaala Xabsiga Dhexe ee Xamar

Date:

Deeqo Diraac oo ku xukuneyd 15-sano oo xabsi ciidan ah ayaa xanuunka Macaanka ugu geeriyootay Isbitaal ku yaala Xabsiga dhexe ee Xamar, Sida uu u xaqiijiyey Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA taliye ku xigeenka Xabsiga Dhexe General Maxamed Sheakh Cumar.

Taliyaha ayaa sheegay in mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaala xabsiga dhexe ee Xamar mudadaasina ay la tacaalayeen xaaladeeda caafimaad  dhaqaatiir ka kala socday Isbitaalka Keydsaney iyo kuwa isbitaalka Xabsiga dhexe, islamarkaana baaritaan kadib la xaqiijiyey in ay qabtay xanuunka Macaanka.

General Maxamed Sheakh Cumar ayaa tilmaamay in maanta xanuunkaasi ay u geeriyootay Deeqo Diraac oo horey maxkamaddu ay u xukuntay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...