Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabatay kulan wada-tashi ah oo ku saabsan Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa maanta qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayay horumarka illaa iyo haatan laga sameeyay qabyo-qoraalka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo arrintan ay qeyb ka tahay sidii ay bulshada qeybaheeda kala duwan uga qeyb qaadan lahaayeen xeerka.

Kulankan waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 20 qof oo ka wakiil ah Hay’adaha dawladda iyo shirkadaha ganacsiga ee ka shaqeeya Isgaarsiinta dalka oo dhan, waxaana looga doodayay talooyin laga soo dhiibtay qabyo-qoraalka xeerka, kaasoo loo soo gudbiyay Wasaaradda horraantii bishan, waxaana talooyinkaasi dib eegaya Garyaqaanka Guud ee Dawladda.

Ujeeddada kulamadan oo kale – oo ah kii saddexaad ee noociisa ah – waxaa loogu talogalay sidii loo abuuri lahaa jawi wanaagsan oo ay ku shaqeyn karaan shirkadaha, isla markaana loo dhisi lahaa nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu horumarin lahaa adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan.

Wasiir ku-xigeenka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Ibraahim Yarow Isaaq, oo kulankan furay ayaa sheegay in wasaaraddu haatan marineyso heer gabagabo ah oo lagu ururinayo aragtida dhammaan daneeyeyaasha ka hor intaanan sharcigan loo gudbin Golaha Wasiirrada, ka dibna Golaha Shacabka.

“Waxaa la marayaa waqtigii ugu habboonaa ee sharcigan la meel-marin lahaa sababtoo ah waxaan dhammaanteen isku raacnay in ganacsina uusan badbaadi karin sharci la’aan. Waa inaan ogaano in cid kasta ay danteeda ku jirta in la helo suuq sharci iyo nidaam leh ” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir ku-xigeenku.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...