Wasiirka shaqada oo xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga Afrika ee Hay’adda ILO

Date:

Agaasimaha bariga Afrika ee Hay’adda shaqaalaha Adduunka ee ILO iyo wafdi uu hogaaminayay oo maalmahan howlo shaqo u joogay dalka ayaa maanta booqday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda, waxaana ay wada qaateen kulan oo ay kaga wada hadleen arrimo ay ka midyihiin sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed iyo doorka ay hay’ada ILO ka geysan karto arrimahan.

Agaasimaha bariga Afrika ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ILO Joorge Akuuto ayaa sheegay in madaxda Wasaaradda ay ka wada hadleen sidii ay uga caawin lahaayen siyaasad shaqo oo uu dalka yeesho, ayna sameyn doonaan hanaan fursado shaqo abuuris ah.

“Waxaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga Mahadcelineynaa sida diiran ee ay noo soo dhaweeyeen iyo waxaana kulan la qaadanay Wasiirka Shaqada oo aan isla meel dhignay sida ugu quruxda badan ee aan ku wada shaqeyn karno iyo sidii aan fursado shaqo ugu sameyn laheen dhallinyarada, waxaana naga go’an in bilaha soo socda aan sii dar dargelino wada shaqeynta aan la leenahay Hay’adaha dowladda” ayuu yiri Joorge Akuuto

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid ay isku xogwareysanayeen Agaasimaha Hay’adda iyo doorka ay ka qaadan karaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa, Maadaama dhalinyarada ay yihiin 70%, isla markaana ay isku afgarteen in la abuuro jawi shaqo abuur ah oo ay ka faa’iideysanayaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Agaasimaha bariga Afrika ee Hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO ayaa socdaalka uu ku yimid Muqdisho ay tahay tii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ku yimaado, waxaana kulankii maanta uu ahaa mid ku saabsan is fahan dhex mara labada dhinac

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...