Danjiraha Swedan iyo agaasimaha HSJ oo ka wada hadlay aqoonsiga basaboorka Soomaaliya

Date:

Danjiraha dowladda Swedan ee Soomaaliya, Mikael Lindvall, ayaa kulan la yeeshay agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya gaashaanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dowladood gaar ahaan dhanka socdaalka iyo sidii dowlada Swedan u aqoosan laheyd basaboorka Soomaaliga si muwaadiniinta Soomaliyeed ay ugu tagaan dalka Swedan.

Safiirka Swedan Mikael Lindvall, ayaa aqbalay labada arimaha ay ka wada hadleen Agaasimaha guud HSJ, waxaana uu sheegay in uu la wadaagi doono madaxda ugu sareysa dalka Swedan, ayna ugu horeyn ka shaqeyn doonaan aqoonsiga basaboorka Soomaaliga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...