Guddoomiye Thaabit oo kormaaray goobaha lagu qaadayey Imtixaanka Mideysan ee dalka

Date:

Jaamacadda Umadda, Schoolka Yaasin Cismaan iyo Schoolka Turkish Caarif  Fondheshin ayaa waxaa maanta Kormeer ku sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit Maxamed xarumahaasi waxbarasho oo ay ka socotay qaadista Imtaxaanadka mideysan ay Dowladda Soomaliya ka qaadeyso ardayda waxkabarta Dugsiyada sare ee Dalka ku yaala.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn booqday Jamacaada Umadda halkaasi oo imtaxaanka mideysan looga qaadayay boqolaal arday ah oo ka kala socda dugsiyada  sare ee ku yaala gobolka Banaadir gudoomiyaha ayaa waxa uu la kulmay ardayda imtaxanadka laga  qaadayay isagoo ku dhiira galiyay in dowlada ay garab taagan tahay ardayda soomaliyed ee wax kubarata dalkooda hooyo islamarkaana maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeyn doono taalaba kaste  oo lagu hormarinaayo Dhalinyarada magaalada Muqdisho,

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa booqday Schoolka Yaasin Cismaan  oo kamid ah xarumaha ay wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Soomaliya  ku qaadeyso imtaxaanadka mideysan ee ardayda dugsiyada sare waxa uuna duqa Magaalada Muqdisho halkaasi kula kulmay arday aad u tira badan kuwaas u diyaar garoobaye qaadista imtaxaanadka iyadoo Gudoomiyaha uu mid mid u la kulmay ardaydii Schoolkaasi ku sugneed waxa uuna ku bogaadiyay in ay dalkooda wax u bartaan islamarkaana ay hormarkiisa ka shaqeeyan,

Ugu danbeyn duqa Magaalada Muqdisho Mudane taabit cabdi Maxamed ayaa kormeeray Schoolka Turkisha macaarif Fondheshin  Ex Schoolki farsamada ganacta ee boola tic niko waxa uuna gudoomiyaha halkaasi kula kulmay macalimiin iyo maamulak Schoolkaasi isagoo ka wareestay sida ay u socoto qaadista imtaxanaadka mideysan ee Dowlada waxa uuna gudoomiyaha mid mid u booqday fasalada kala duwan ee imtaxanad lagu qaadaye Ardayda wax kabarata Dugsiyada Sare ee ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir,

Kormeerka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit cabdi Maxamed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...