Qodobbadii diiradda lagu saaray shirkii London

Date:

Magaalda London waxaa ka furmay shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay marti gelineyso dowladda Britain. Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadashay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto masu’uuliyadda ammaankeeda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay.

Waxay sheegtay in ciidamada AMISOM aysan maareyn karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan jira laguna salaynayo qaabka federaalka.

” Heshiiska dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa” ayay tiri, ra’iisal wasaaraha Britain.

Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalay madaxda dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in 400 oo askeri oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo gaaraya hadda 222,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.

Dadaalada kala duwan ee ku aadan dhismaha ciidan qaran

  • Britain ayaa dhawaan magaalada Baybdho ka billaabi doonto barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya.
  • Isku Taga Imaaraadka ayaa lagu wadaa inuu isna dhiso xarun casri ah oo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya,
  • Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa ciidmada Danab,
  • Turkiga ayaa isagana wada tababarro la siinayo sarakiisha ciidanka Soomaaliya.

Kenyatta ayaa ku baaqay in la kordhiyo ciidammada AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si buuxda cunaqabataynta hubka looga qaado Soomaaliya.

”Cunaqabteyta hubka ee sanadooyinka badan saaran soomaaliya, waxay caqabada ku noqotay oo ay aad u xayirtay awoodda aan u leenahay in aan soo iibsano hub culus, inkastoo ay jiraty in si qeyb ahaan cunaqabateyntaas la qaaday 2013-kii” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdiisu ay la shaqeyn doonto golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidii cunaqabatayntaasi gebi ahaanba meesha looga saari lahaa.

Dhismaha ciidammada qaranka Soomaaliya maxaa hortaagan

Abaaraha

Madaxweyne Farmajo waxa uu sheegay in markii uu xilka qabtay uu muhiimadda koobaad siiyay sidii wax looga qaban lahaa xalaadda abaarta ee dalka si looga hortago in ay dhacdo xaaladdii sanadkii 2011kii.

Farmaajo ayaa u mahadceliyay hoggaamiyeyaasha caalamka iyo qurbo joogta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka jawaabeen baaqii dowladdiisa ee ahaa in gargaar lala soo gaaro shacabka ay abaartu ku habsatay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in abaaraha dalka ka jira ay barakiciyeen ilaa 600,000 oo qof tan iyo bishii Nofembar ee 2016, wuxuuna ugu baaqay caalamka in laga hortago in dalka ay ka dhacdo xaalad bani’aadanimo iyo sidoo kale in diiradda la saaro sidii looga soo kaban lahaa abaarta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...