Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Socdaalka Uk oo kulay

Date:

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maalmahaan ku sugnaa magaalada London ee dalka UK ayaa kulan la qaatey Wasiirka Socdaalka waddanka Britain , waxaana laga wada hadley Baasaboorka Soomaaliya iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo dhex-mara labada wadan.

Wasiirka socdaalka UK ayaa sheegey in ay si wadi doonaan isla markaana xoojin doonaan xariirka dhinaca socdaalka ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Soomaaliya, lana xoojin doono hannaanka socda ee aqoonsiga loogu raadinayo Baasaboorka Soomaaliya.

Agaasimaha guud iyo wefdiga uu hoggaamanayey ayaa booqdey xarunta laga bixiyo baasaboorka British-ka  iyo xarunta hubinta dukumentiyada UK.  Sidoo kale agaasimaha ayaa la kulmey khubarrada gacanta ku heysa baasaboorka Soomaaliga, waxa uu ka dhageystay warbixin ku saabsan hanaanka aqoonsiga loogu raadinayo Baasaboorka Soomaaliya.

Socdaalka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale “Koofi” uu ku tegayo dalalka Yurub ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka dibadda, si baasaboorka Soomaaliya uu u noqdo mid wadankasta oo Yurub ah lagu tegi karo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...