Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Socdaalka Uk oo kulay

Date:

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maalmahaan ku sugnaa magaalada London ee dalka UK ayaa kulan la qaatey Wasiirka Socdaalka waddanka Britain , waxaana laga wada hadley Baasaboorka Soomaaliya iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo dhex-mara labada wadan.

Wasiirka socdaalka UK ayaa sheegey in ay si wadi doonaan isla markaana xoojin doonaan xariirka dhinaca socdaalka ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Soomaaliya, lana xoojin doono hannaanka socda ee aqoonsiga loogu raadinayo Baasaboorka Soomaaliya.

Agaasimaha guud iyo wefdiga uu hoggaamanayey ayaa booqdey xarunta laga bixiyo baasaboorka British-ka  iyo xarunta hubinta dukumentiyada UK.  Sidoo kale agaasimaha ayaa la kulmey khubarrada gacanta ku heysa baasaboorka Soomaaliga, waxa uu ka dhageystay warbixin ku saabsan hanaanka aqoonsiga loogu raadinayo Baasaboorka Soomaaliya.

Socdaalka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale “Koofi” uu ku tegayo dalalka Yurub ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka dibadda, si baasaboorka Soomaaliya uu u noqdo mid wadankasta oo Yurub ah lagu tegi karo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...