Nuxurka khudbadaha madaxda UK, Somalia iyo Q.M

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibedda Uk, Boris Johnson  ayaa sheegay in wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ay ku howlan yihiin, isla markaana uu jiro qorshe arrintaas ku aaddan lagu dhaqangelinayo midnimada Soomaaliya, waxa uu xusay in uu rajo weyn ka qabno arrintaas, “ammaanka waxaa kow ka yahay midnimada, waana inaan xoog uga shaqeynaa midnimada Ummadda Soomaaliyeed ayuu ku darauy hadalkiisa.

Xog-hayaha Guud ee Q.M Antonio Guterres ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameynayo ciidammada Xoogga dalka, Boliiska iyo hey’adaha ammaanka oo dhan,  taas ayaana fududeyn karta in loo helo qalab wanaagsan oo ay uga hortagaan argagixisada si waafaqsan sharciga iyo heshiisyada arrintaas aan ka galnay oo ay ka mid tahay shirkaan aan London u joogno, waxaa naga go’an  sidii aan uga qeyb-qaadan lahayn dhaqangelinta go’aannada shirkaan ka soo baxa oo fursad weyn u ah Soomaaliya.

“Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka waxaan ka wada hadalnay qaabka ugu habboon ee dhismaha ciidanka iyo nabadda loo xoojin karo, Mareykanka waxa uu noo muujiyey sida ay uga go’antahay in ay wax weyn nala qabtaan, dagaalka Al-Shabaab xalkiisa waa inaan ciidanka Qaranka si wadajir ah u dhisnaa gaar ahaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana aaminsanahay in fursad weyn ay jirto oo wada shaqeynta Mareykanka aan uga faa’ideysan doonno” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa sheegtay in mudnaanta la siinayo horumarrada dhammaan qodobbada aan shirka London uga hadalnay, waxa ay tilmaamtay in ay hoos u dhaceyn awoodihii Al-Shabaab iyo kooxihii burcad badeedda, waa guullo waa weyn oo dhanka amniga loo qaadey ayeey tiri.

Waxa ay ka hadashay qorshaha amniga Soomaaliya,  iyadoo xustay in natiijooyin laga gaaray amniga laakiin muhiimaddu ay tahay sidii loo dhisi lahaa ciidan Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalka si AMISOM ay dib ugu laabtaan dalalkooda,  iyadoo ay wadajir uga heshiinayaan dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada, taas oo ay ku tilmaamtay in ay tahay arrinta Kaliyah ee wax ka badeli karta ammaanka Soomaaliya,  ugu dambeyn waxa ay sheegtay in dowladda Uk ay bixin doonto 21 Milyan oo lagu taageerayo ciidammada Milatariga, dowladda Soomaaliyana waxaan ka caawin doonaa sidii ay u adkaan lahaayeen hey’adaheeda si loola dagaallamo waxa ay ugu yeertay musuq-maasuqa” ayeey hadalkeeda ku soo gabogabeysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...