Wasiir Cabdi Xoosh “Culumada Soomaaliyeed door aad u muhiim ah ayey ku leeyihiin Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka”

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay Culumada Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen kuwo magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda, ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo dhageeysan lahaa talada Culumada ee ku saabasan ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay in iskaashi layeeshaan Culumada.

“Waxaa inaga go’an in hanaanka dib u eegista Dastuurka uu waafaqo shareecada Islaamka, sidaa darted, waxa aan u baahannahay ra’yigiina inaga oo xiriir dhow idin la yeelan doonno” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Avv Cabdi Xoosh oo ka hadlay sida Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee hada jira lagu sameeyay ayaa sheegay in 2012 ay jireen caqabado badan oo ka hor taagnaa in wadatashiyo badan la sameeyo.

“Annaga 2012kii markii Dastuurka aan ka shaqeeyneynay waxaa la inagu dhaliilay in kulamo wadatashiyo ah oo badan aanan la qaban, runtii waxaa inaga hortaagnaa kooxaha nabaddiidka oo wadanka badankiis gacanta ku hayay, laakiin xiligan waxa aan ballanqaadeynaa in aan wadatashiyo ballaaran sameeyno Culumaduna ay helaan waqti badan oo ay uga qaybgalaan Geedi-socodka” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa dhamaan Culumada Soomaaliyeed ka codsaday in ay si dhow u la shaqeeyaan Wasaaradda oo ay doorkooda aadka u muhiimka ah ka qaataan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...