Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tegay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamuud iyo xubno kale ayaa maanta kormeer howleed waxa ay ku tegeen deegaanno ay ka midyihiin Jameeco Misri, Kulmis yareey, Maqdis iyo Xawaadleey oo 7km u jirta magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi gaareen waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiinn kale, waxaana ay wafdiga u kuurgalayeen xaaladaha ay ku suganyihiin shacabka ku nool tuulooyinka ay socdaalka ku tegeen, iyagoo halkaasi gaarsiiyey deeq raashin ah oo Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ugu talagalay bulshada deegaannadasi ku nool.

Qoysaska ku nool deegaannada ay maanta kormeerka ku tegeen Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha ee uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa ahaa kuwa ay saameyeen abaarta ka jirta Gobollada Dalka iyo dagaal beeleedyo, waxaana shacabka deegaannadaasi ay ka mahadceliyeen kaalmada la soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kaalmada la soo gaarsiiyay qoysaska ku dhibaateysan tuulooyinka ay maanta wafdiga kormeerka ku tegeen, isagoo xusay in kan maamul ahaan ay ku guuleysteen xalinta beelaha ku dagaalamay deegaannada gobolka Shabeelaha Dhexe.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka ay tahay u kuurgelidda xaaladaha qoysaska ku nool deegaanada hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa tilmaamay in door muuqda ay Wasaaraddu ka qaadan doonto sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa walaaha halkaasi ku dagaalamay, isla markaana aysan markale dib u soo laaban colaad.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan sidii gurmad loogu fidin lahaa qoysaska ay abaartu saameysay, ayna ka go’antahay inay ka warqabaabn shacabka dhibaateysan.

“Raashinkan aan idin keenay waxaa ii soo wakiishay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha, waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay abaartu saameysay, marka waxaa naga go’an inaan sii joogteyno, waxaana idinka rabnaa in aad ka faa’iideysataan Raxmadda Alle nasiiyay” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in gobollada dalka uu ku soo mari doono socdaal uu ku ogaanayo xaaladaha ay ku noolyihiin bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...