Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre oo guddoomiyey Shirka Amniga

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Amniga, kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda laamaha amniga dalka,waxaana lagu falanqeynayey sidii loo xasilin lahaa ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka hadal ka jeediyay ayaa u soo jeediyey madaxda laamaha amniga in-ay dardar-geliyaan hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka. Dhankooda madaxda laamaha amniga qaranka oo iyaguna shirkaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbadey shacabka inay taageeraan barnaamijyada dalka lagu xasilinayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in amniga uu yahay muhiimadda koowaad ee dawladda ay ku dhisan tahay xukuumadiisuna ay ka shaqynayso sidii lagu heli lahaa amni lagu kalsoon yahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa joogtada ahaa ku tagey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, wuxuuna shaqaalaha Wasaaradda kala qeyb qaatay barnaamij loogu baroor diiqeyey Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji. Isagoo ku tilmaamay shaqsi tusaale u ahaa jiilka soo koraya, isla markaana ahaa nin dhalinyaro oo wadani ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...