Dawladdu marna ma aqbali doonto Isbaarooyin Sharci darro ah

Date:

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sida sharci darrada ah u yaalla wadooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan gobolka Shabellaha Hoose oo laga qaaday dhowr Isbaaro oo u taaley dad adeegsanaya magacyada Ciidanka, kadib, amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ee ku aadanaa la dagaalanka Isbaarooyinka Sharci darrada ah.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray askartii isbaaradu u taaley, xilkiina laga qaaday Saaraakiishii xukuntay askarta isbaarada dhigatay.

“kadib, amarkii uu bixiyey Madaxweynaha J.F.S Mudane M. C/laahi Farmaajo ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askeri oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo. Waxaan cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in isku mid ay yihiin”. Ayuu yiri Gen. Caanood.

“Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabellaha Hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka.” Ayuu raaciyey.

Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen C/laahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo maleyshiyaadka sharci darada ah ee dhiganaya Isbaarada, gaar ahaan kuwa yaalla meelaha ka fog magaalooyinka.

–DHAMMAAD–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...