Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya oo Sharraxaad ka bixiyay Shirweynaha London Dhawaan ka dhici doona

Date:

Wasiir wasaaradda warfaafinta iyo hanuunita dadweynaha  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in shirka London maalmaha soo aadan ka dhici doona looga hadlayo Arrimo ay ka mid tahay in dowladda Ingiriiska ay u soo jeesato  tageerada Soomaaliya.

Wasiir Yariisoow ayaa Tilmaamay in shirkaas uu yahay kii sedexaad oo loo qabanayo Dowladda  Soomaaliya isla markaana looga hadlayo Arrimo ay ka mid yihiin Amniga iyoXoojinta tayaynta Ciidamada Qaranka si ciidamada Dowladaha kale ka socda looga maarmo, kordhin Dhaqaalaha Dowladda si ay ugu filnaato gudashada Howlaha  Qaran ee Horyaalla iyo Arrimo kale.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi farmaajo  ayaa ka qayb gali doona Waxaana Shirkaas shir Guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalkaas.

“Shirkaan oo ah mid caalami ah waxa uu umuuqdaa mid siweyn ay isugu diyaariyeen xubnaha dowladda ee ka qayb galaya taas oo muujinaysa rajada umadda Soomaaliyeed ay ka qabaan Dib u hagaajinta hay’adaha dowladda” Ayuu Yiri Wasiir Yariisoow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...