Wasiirka Warfaafinta oo Tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta

Date:

32-ka mid ah Howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ayaa ka faaโ€™iideystay Tababarkaan oo socday mudo Shan maalmood ah oo ay bixinaysay hayโ€™adda Vikes ee wadanka Finland.

Macalimiinta bixinayay Tababarkaan oo u dhashay Waddanka Finland ayaa sheegay Gaba gabadii siminaarkaan in cashiro muhiim ah lagu bartay sidoo kalana ay ka faaโ€™iideesteen dadkii qaatay.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/raxiin Ciise Caddow iyo Agaasimaha Tvga Qaranka Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ka hadlay Tababarkaan ayaa sheegay inuu muhiim u ahaa Warbaahinta Qaranka ayaga oo u mahadceliyay Macalimiinta waqtigooda galiyay inay Aqoon kororsi u sameeyaan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala ayaa kula dar daarmay Howlwadeennada Tababarka qaatay inay dhaqan galiyaan wixii ay barteen.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa asna gaba gabadii sheegay Wasaaradda ay abaal wayn kaga hayso Hayโ€™adda Vikes dadaalka ay u samaynayso hormarinta shaqaalaha Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...