Wasiirka Warfaafinta oo Tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta

Date:

32-ka mid ah Howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ayaa ka faa’iideystay Tababarkaan oo socday mudo Shan maalmood ah oo ay bixinaysay hay’adda Vikes ee wadanka Finland.

Macalimiinta bixinayay Tababarkaan oo u dhashay Waddanka Finland ayaa sheegay Gaba gabadii siminaarkaan in cashiro muhiim ah lagu bartay sidoo kalana ay ka faa’iideesteen dadkii qaatay.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/raxiin Ciise Caddow iyo Agaasimaha Tvga Qaranka Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ka hadlay Tababarkaan ayaa sheegay inuu muhiim u ahaa Warbaahinta Qaranka ayaga oo u mahadceliyay Macalimiinta waqtigooda galiyay inay Aqoon kororsi u sameeyaan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala ayaa kula dar daarmay Howlwadeennada Tababarka qaatay inay dhaqan galiyaan wixii ay barteen.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa asna gaba gabadii sheegay Wasaaradda ay abaal wayn kaga hayso Hay’adda Vikes dadaalka ay u samaynayso hormarinta shaqaalaha Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...