Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isbootiga oo tababar usoo xirtay dhalinyaro Soomaaliyeed

Date:

Tababarkan oo socday mudo laba maalmood ah ayaa loo qabtay dhalinyaro ka kala socotay 17-ka Degmo  ee uu ka koobanyahay Gobolka Banaadir waxaana si wada jir ah usoo qaban qaabiyey Maaamulka Gobolka banaadir iyo Hay’adda Ifraax Foundation.

Wasiirka Dhalinyarradda Iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa kasoo qeyb galay munaasabada Xiritaanka tababarkan loo sameeyey Dhalinyaradda Gobolka Banaadir oo looga hadlayey fahamka nabadda iyo xalinta khilaafaadka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhalinyaradda Gobolka Banaadir ay si siman uga faaideysan doonaan haddii gobolka uu helo fursado Shaqo.

Sidoo kale Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga oo ka hadashay Munaasabadda ayaa xustay muhiimada ay dhalinyaradda Soomaaliyeed u leeyihiin horumarka dalka ee loo baahanyahay maanta iyo weliba kan mustaqbalka fog.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...