Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka dalka โ€œXukuumadda waxaa ka goโ€™an ka mira dhalinta in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ahโ€

Date:

Kulankani oo ku saabsanaa daah furka diyaarinta qorshaha doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020-2021-ka ayaa waxaa furay Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha gudaha, Xildhibaanno ka socday labada Aqal, Masโ€™uuliyiinta guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka, xuduudaha iyo Federaalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in shirka maanta uu daah fur u yahay hanaanka loo marayo doorashooyinka sanadka 2021-ka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay diyaarinta doorasho qof iyo hal cod ah ay noqon doonto mid muhiimadsiisa shacabka Soomaaliyeed.

Abuukar Sheekh Cabdi oo ah Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa kulanka ka sheegay halka ay marsiinayaan fahamsiinta bulshada nidaamka Federaalka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ku hadlaysay magaca ururada bulshada ayaa sheegtay in ay tahay tallaabo horey loogu qaaday daah furka qorshaha doorashooyinka.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa madasha ka muujisay sida ururrada siyaasaddu ay ugu faraxsanyihiin in la helo hanaankii loo mari lahaa doorashada.

Xildhibaan Cismaan Xaaji iyo Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac oo ku hadlayay magaca labada aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay kala shaqeyn doonaan sidii looga dhabeyn lahaa in dalka ay ka dhacdo doorashooyin qof iyo cod ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xusay in sharciyeynta doorashooyinka dalka ay tilmaameyso sida loogu gudbay Nidaam dimoqraadiyadeed.

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka goโ€™antahay ka mira dhalinta in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah.

Dowladda ayaa looga fadhiyaa in dalka ay gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-ka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...