Emmanuel Macron oo ku guuleystay doorashada Madaxweyne ee Dalka Faransiiska

Date:

Emmanuel Macron ayaa noqday Madaxweynaha Faransiiska, kadib markii uu kaga guuleystay doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi Haweeneyda la tartameysay ee Marine Le Pen.

Macron  oo 39 jir ah, ayaa helay codadka 65.5%  halka Marine ay heshay  34.5%, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Madaxweynaha oo jeediyay qubadda guushiisa ayaa yiri “beej cusub ayaa furmay oo taariikhi ah, waxaan doonayaa in aan soo celiyo rajada iyo kalsoonida Faransiiska”

Waxa uu sheegay  isaga oo hadalkiisa sii wata, in uu garab taagan yahay Dadka jilicsan, isaga oo carabka ku dhuftay in uu damaanad qaadayo Ammniga Umadda.

“waxaan ka dagaalami doonaa kala qeybinta, waxaana difaaci doonaa masaalixda Shacabkeyga, waxaan kale oo aan difaacayaa wadajirka iyo midnimada Midowga Yurub”

Midowga Yurub ayaa ku sifeeyay dooarshada Marcon, in ay ka dhigan tahay Shacabka Faransiiska ay doorteen mustaqbal ay kaga sii mid ahaanayaan Midowga Yurub.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trum ayaa bogiisa twitterka ku qoray in uu hambalyeenayo Madaxweynaha cusub, islamarkaana uu layeelan doono wada shaqeyn.

Guusha Emmanuel Macron waxa ay ka dhigan tahay in uu noqday Madaxweynihii sideedaad ee soo mara Faransiiska, isaga oo sidoo kale ah ninkii ugu da’da yaraa ee Madaxweyne ka noqda Dalkaasi.

Sidoo kale Mr Macron waa Madaxweynihii ugu horeeyay  ee ka soo baxa xisbi aan ahayn labada Axsaab ee ugu waaweyn Faransiiska tan iyo sanadkii 1958.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...