Emmanuel Macron oo ku guuleystay doorashada Madaxweyne ee Dalka Faransiiska

Date:

Emmanuel Macron ayaa noqday Madaxweynaha Faransiiska, kadib markii uu kaga guuleystay doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi Haweeneyda la tartameysay ee Marine Le Pen.

Macron  oo 39 jir ah, ayaa helay codadka 65.5%  halka Marine ay heshay  34.5%, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Madaxweynaha oo jeediyay qubadda guushiisa ayaa yiri “beej cusub ayaa furmay oo taariikhi ah, waxaan doonayaa in aan soo celiyo rajada iyo kalsoonida Faransiiska”

Waxa uu sheegay  isaga oo hadalkiisa sii wata, in uu garab taagan yahay Dadka jilicsan, isaga oo carabka ku dhuftay in uu damaanad qaadayo Ammniga Umadda.

“waxaan ka dagaalami doonaa kala qeybinta, waxaana difaaci doonaa masaalixda Shacabkeyga, waxaan kale oo aan difaacayaa wadajirka iyo midnimada Midowga Yurub”

Midowga Yurub ayaa ku sifeeyay dooarshada Marcon, in ay ka dhigan tahay Shacabka Faransiiska ay doorteen mustaqbal ay kaga sii mid ahaanayaan Midowga Yurub.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trum ayaa bogiisa twitterka ku qoray in uu hambalyeenayo Madaxweynaha cusub, islamarkaana uu layeelan doono wada shaqeyn.

Guusha Emmanuel Macron waxa ay ka dhigan tahay in uu noqday Madaxweynihii sideedaad ee soo mara Faransiiska, isaga oo sidoo kale ah ninkii ugu da’da yaraa ee Madaxweyne ka noqda Dalkaasi.

Sidoo kale Mr Macron waa Madaxweynihii ugu horeeyay  ee ka soo baxa xisbi aan ahayn labada Axsaab ee ugu waaweyn Faransiiska tan iyo sanadkii 1958.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...