Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isbootiga oo tababar usoo xirtay dhalinyaro Soomaaliyeed

Date:

Tababarkan oo socday mudo laba maalmood ah ayaa loo qabtay dhalinyaro ka kala socotay 17-ka Degmo  ee uu ka koobanyahay Gobolka Banaadir waxaana si wada jir ah usoo qaban qaabiyey Maaamulka Gobolka banaadir iyo Hay’adda Ifraax Foundation.

Wasiirka Dhalinyarradda Iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa kasoo qeyb galay munaasabada Xiritaanka tababarkan loo sameeyey Dhalinyaradda Gobolka Banaadir oo looga hadlayey fahamka nabadda iyo xalinta khilaafaadka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhalinyaradda Gobolka Banaadir ay si siman uga faaideysan doonaan haddii gobolka uu helo fursado Shaqo.

Sidoo kale Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga oo ka hadashay Munaasabadda ayaa xustay muhiimada ay dhalinyaradda Soomaaliyeed u leeyihiin horumarka dalka ee loo baahanyahay maanta iyo weliba kan mustaqbalka fog.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...