Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka “Xukuumadda waxaa ka go’an ka mira dhalinta in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah”

Date:

Kulankani oo ku saabsanaa daah furka diyaarinta qorshaha doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020-2021-ka ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha gudaha, Xildhibaanno ka socday labada Aqal, Mas’uuliyiinta guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka, xuduudaha iyo Federaalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in shirka maanta uu daah fur u yahay hanaanka loo marayo doorashooyinka sanadka 2021-ka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay diyaarinta doorasho qof iyo hal cod ah ay noqon doonto mid muhiimadsiisa shacabka Soomaaliyeed.

Abuukar Sheekh Cabdi oo ah Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa kulanka ka sheegay halka ay marsiinayaan fahamsiinta bulshada nidaamka Federaalka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ku hadlaysay magaca ururada bulshada ayaa sheegtay in ay tahay tallaabo horey loogu qaaday daah furka qorshaha doorashooyinka.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa madasha ka muujisay sida ururrada siyaasaddu ay ugu faraxsanyihiin in la helo hanaankii loo mari lahaa doorashada.

Xildhibaan Cismaan Xaaji iyo Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac oo ku hadlayay magaca labada aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay kala shaqeyn doonaan sidii looga dhabeyn lahaa in dalka ay ka dhacdo doorashooyin qof iyo cod ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xusay in sharciyeynta doorashooyinka dalka ay tilmaameyso sida loogu gudbay Nidaam dimoqraadiyadeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’antahay ka mira dhalinta in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah.

Dowladda ayaa looga fadhiyaa in dalka ay gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-ka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...