Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka “Xukuumadda waxaa ka go’an ka mira dhalinta in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah”

Date:

Kulankani oo ku saabsanaa daah furka diyaarinta qorshaha doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020-2021-ka ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha gudaha, Xildhibaanno ka socday labada Aqal, Mas’uuliyiinta guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka, xuduudaha iyo Federaalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in shirka maanta uu daah fur u yahay hanaanka loo marayo doorashooyinka sanadka 2021-ka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay diyaarinta doorasho qof iyo hal cod ah ay noqon doonto mid muhiimadsiisa shacabka Soomaaliyeed.

Abuukar Sheekh Cabdi oo ah Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa kulanka ka sheegay halka ay marsiinayaan fahamsiinta bulshada nidaamka Federaalka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ku hadlaysay magaca ururada bulshada ayaa sheegtay in ay tahay tallaabo horey loogu qaaday daah furka qorshaha doorashooyinka.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa madasha ka muujisay sida ururrada siyaasaddu ay ugu faraxsanyihiin in la helo hanaankii loo mari lahaa doorashada.

Xildhibaan Cismaan Xaaji iyo Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac oo ku hadlayay magaca labada aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay kala shaqeyn doonaan sidii looga dhabeyn lahaa in dalka ay ka dhacdo doorashooyin qof iyo cod ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xusay in sharciyeynta doorashooyinka dalka ay tilmaameyso sida loogu gudbay Nidaam dimoqraadiyadeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’antahay ka mira dhalinta in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah.

Dowladda ayaa looga fadhiyaa in dalka ay gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-ka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...