Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Amar siiyey Hay’adaha Amaanka gobolka Baay

Date:

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saraakiisha amaanka ku amray iney ka shaqeeyaan xaqiijinta amaanka guud ee gobolka Baay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee uu usoo magacaabay gobolka Baay.

Shariif Xasan ayaa Saraakiisha amaanka u sheegay in lagula xisaabtamayo amaanka guud ee Gobolka Baay isla markaana laga doonayo in ay la shaqeeyaan maamulka  cusub ee Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la kasbado kalsoonida shacabka lagana wada shaqeeyo hormarinta iyo nabadda gobolka Baay.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa khamiistii la soo dhaafay waxa uu Cali Wardheere C/raxmaan u magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha Cusub ee gobolka Baay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...