Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Amar siiyey Hay’adaha Amaanka gobolka Baay

Date:

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saraakiisha amaanka ku amray iney ka shaqeeyaan xaqiijinta amaanka guud ee gobolka Baay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee uu usoo magacaabay gobolka Baay.

Shariif Xasan ayaa Saraakiisha amaanka u sheegay in lagula xisaabtamayo amaanka guud ee Gobolka Baay isla markaana laga doonayo in ay la shaqeeyaan maamulka  cusub ee Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la kasbado kalsoonida shacabka lagana wada shaqeeyo hormarinta iyo nabadda gobolka Baay.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa khamiistii la soo dhaafay waxa uu Cali Wardheere C/raxmaan u magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha Cusub ee gobolka Baay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...