Shir looga hadlayo Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Date:

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda, wasiirada warfaafinta maamul-goboleedyada dalka ka jira iyo agaasimeyaashooda.

Shirka oo socon doona mudo sadex maalin ah ayaa diiradda lagu saari doonaa qodobo ay kamid yihiin in si wadajir ah warbaahintu ay uga qeyb qaadato wacyi galinta barnaamijka la dagaalanka Argagixisada, oo wasaaradda warfaafintu ay ku howlantahay.

Sidoo kale shirka ayaa dhinacyada ka qeyb galaya isku soo hadal qaadi doonaan arimo la xiriira dib u eegista xeerka Saxaafadda, iyo hadii ay suura gal tahay wax ka badal lagu sameeyo qaar kamid ah qodobada ku jira xeerka.

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in  masuuliyiinta shirka ka qeyb galaya ee matalaya dowlad-goboleedyada ay ka dhageysan doonaan talooyin iyo fikrado ka qeyb qaadanaya horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed, taasi oo ay hormuud ka yihiin masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sanadkii hore ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku qabsoomay shir sidaan oo kale ay soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay Istiraatiijiyadda Warbaahinta Qaranka.

Xigasho: SONNA

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Qarax Argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...