Suxuufiyiinta Soomaaliyeed waa geesiyaal naftooda u hura dalkooda

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay saxaafadda ugu hambalyeynaysaa maalinta caalamiga ah ee Xoriyadda Hadalka iyo Fikirka (Freedom of Expression) ee 3da May, 2017. Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta iyo horumarinta xoriyadda hadalka iyo saxaafadda sida uu qabo qodobka 18aad ee Dastuurka dalka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka hadlayey munaasabadan maalinta Xoriyadda Hadalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay dhiirigelinta Xoriyada Hadalka. Eng. Yarisow ayaa yiri “Suxuufiyiinta Soomaaliyeed waa geesiyaal naftooda u hura maalin walba horumarka dalka iyo gaarsiinta wararka xaqiiqada ah bulshada. Dalkeenna waxaa jirta warbaahin madax badannaan oo kaalin wayn ku leh wacyi gelinta bulshada iyo in dadku ay helaan macluumaadka ay u baahan yihiin. Warbaahintaas oo sidoo kale ka qeyb qaadata dhowrista xuquuqda aadanaha, dimoqoraadiyadda iyo dib-u-dhiska waddanka Soomaaliya.”

Wasaaradda Warfaafintu waxa ay la tashiyo joogto ah la yeelataa ururrada metela saxaafadda iyo wariyeyaasha kuwaas oo aan kala shaqeyno abuuridda jawi ay warbaahintu si xor ah howladeeda ugu gudato. Wadatashiyadaas waxaa ka dhashay in wasaaraddu ay aqbashay in dib-u-eegis lagu sammeeyo Xeerka Saxaafadda oo ay wariyeyaashu cabasho ka keeneen qodobbo ku jira.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxa aan ka tacsiyaynaynaa dhammaan howl-wadeennadii saxaafadeed ee la dilay ama la dhaawacay ayaga oo howshooda gudanaya. Dhinaca kale, sida uu qabo Xeerka Saxaafadda iyo xeerarka kaleba waa in howl-wadeennada saxaafadeed la siiyaa xuquuqdooda sida in amnigooda la sugo, tababarro xirfadooda kor loogu qaadayo la siiyo, in la hubiyo in ay helaan mushaaraad joogta ah, iyo in la baro sidii ay naftooda u badbaadin lahaayeen.”

Ugu dambeyn, Wasiir Eng. Yarisow ayaa ku booriyey Saxaafadda in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo nabadda, iyaga oo si aad ah isaga ilaalinaya waxyaabaha xadgudubka ku noqon kara sharafta iyo karaamada dalka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta
media@moi.gov.so sidiqfaarax@gmail.com

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...