Madaxweynaha Hirshabeelle oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Ee Galmudug

Date:

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee  Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Maanta Lagu doortay  Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah  maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay doorashada ka dhacday Magaalada Cadaado in ay tahay mid taariikhi ah oo horumar u ah reer Galmudug,waxaana uu xusay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo helida Xasilooni siyaasadeed, waxaana uu u rajeeyay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf in ilaah u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

“Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen qabashada doorashada madaxtinimada ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu baaqay guud ahaan maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha la doortay in uu u guntado sidii loogu guuleysan lahaa wadahadalada  Ahlusuna Waljamaaca  si xal siyaasadeed looga gaaro maamulka Galmugna uu u noqdo mid guud ahaan Deegaanka Galmudug gaarsiiya adeegyada iyo maamulka dowliga ah.

Ugu dambentii  Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Goboleedka Hirshabeelle si buuxda ula shaqeyn doonta maamulka Galmudug horeyna wada shaqeyn ay u lahaayeen isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka Hirshabelle iyo maamul gobolleedyadda dalka ka jira inay la shaqeeyaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...