Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug oo tartan ah isdhexgalka dhalinyarada ku soo gunaanaday Caabudwaaq

Date:

Tartankan ciyaareed ee Nabadda iyo ishex galka dhalinarada oo ay kawada qayb galeen kooxo ka kala socday xaafaaha Degmada Caabudwaaq ayaa ciyaartii u dambaysay waxaa isugu soo haray kooxaha Ubax iyo Oktoobar waxaanay guushu ay raacday kooxda Ubax oo kaga adgaatay hal iyo waxba kooxda oktoobar.

Wasaraada Dhalinyarada iyo cayaaraha ee Dawlada Goboleedka Gamudug oo dhigtay koobkan oo ay kooxuhu ku loolamayeen ayaa abaalmarino kala duwan Gudoonsiisay kooxaha soo gaaray kaalmaha hore iyo sidoo kale ciyaaryahanadii ugu wanaagsanaa tartanka.

Gudoomiyaha Isboortiska degmada Caabudwaaq Maxamed Risaaq Dhagaburo iyo Gudoomiyaha Olombikada Galmuug Mahad cabdullahi jaamac  iyo
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Cumar cabdi Maxamed ayaa si wad jir ah  u abaalmariyay cayaartoya , masuuliyiintan ayaa sheegay in ujeedka tartanka loo qabtay uu ahaa isdhaxgalka bulshada si loo dhiiri geliyo nabada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....