𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐂𝐮𝐥𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aadan Abuukar Cusmaan (Sheekh Suufi Yare), iyo xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka, iyo sidii Culimadu kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen wacyigelinta bulshada, diyaar-garowga iyo yareynta khataraha ka dhasha fatahaadaha iyo saadaasha El Niño.

Ugu danbeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Culimada ugu baaqay inay xoojiyaan doorkooda bulshada, maadaama ay laf-dhabar u yihiin bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay bulshada gaarsiiyaan farriimo joogto ah oo ku saabsan is-caawinta, feejignaanta iyo diyaar-garowga xilliyada ay jiraan khataraha musiibooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...