Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka jeediyay Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha oo ka socota magaalada Beijing.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso la qabsiga casriyeynta warbaahinta, caqabadaha ay la wadaagto wadamada gobolka gaar ahaan aaladaha casriga, sida isticmaalka warbaahinta garaad gacmeydka ( AI) xoojinta Warbaahinta cusub, iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo warbaahin casri ah oo la jaanqaadi karta isbedellada deg-degga ah ee dunida.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta loo adeegsado horumarinta bulshada, gudbinta xog sugan iyo xoojinta xiriirka iyo midnimada bulshooyinka, isaga oo adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta warbaahin xirfad iyo masuuliyad ku dhisan.

Wasiir Cabdifataax ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga warbaahineed ee Afrika iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada teknoolojiyadda, tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta awoodda hay’adaha warbaahinta, isagoo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si firfircoon uga faa’iideysato fursadaha iskaashi ee madashani abuureyso.

Wasiirka waxaa Madasha ku wehliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Danjire Hodan Cismaan Cabdi, iyo Agaasimaha Radio Muqdisho, Cabdifataax Daahir Jayte.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...