Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin oo lagu aasay Muqdisho

Date:

Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin Xasan oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu aasay  qabuuraha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay aaskiisa Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare ee dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,  saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Senator Cabdikaafi Macalin Xasan oo la dhashay Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin ayaa si kooban uga sheekeeyay taariikhda Ugaaska, waxaana uu Eebbe ugu baryay inuu ka waraabiyo naxariista Janno.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najaaxi iyo qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ehelada iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxaa ay uga tacsiyadeeyeen geerida Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin Xasan.

Ugaas Maxamed Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa dhaqanka sida weyn Gobollada Koofureed ee Dalka looga yaqiinay, waxaana uu u geeriyooday xanuun in mudda ah hayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...