Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin oo lagu aasay Muqdisho

Date:

Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin Xasan oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu aasay ย qabuuraha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay aaskiisa Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare ee dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,ย  saraakiil ciidan iyo masโ€™uuliyiin kale.

Senator Cabdikaafi Macalin Xasan oo la dhashay Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin ayaa si kooban uga sheekeeyay taariikhda Ugaaska, waxaana uu Eebbe ugu baryay inuu ka waraabiyo naxariista Janno.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najaaxi iyo qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ehelada iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxaa ay uga tacsiyadeeyeen geerida Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin Xasan.

Ugaas Maxamed Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa dhaqanka sida weyn Gobollada Koofureed ee Dalka looga yaqiinay, waxaana uu u geeriyooday xanuun in mudda ah hayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...