R/wasaare Kheyre “Xukuumaddu waxay ahmiyada koowaad siisay Gurmadka Abaaraha”

Date:

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa  maanta ka qayb galay kulan wacyi galin iyo  dhaqaale loogu abuurinayey  dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyey Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Qaranka ayaa waxa goob joog ka ahaa  xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya Culumo , iyo qaybaha kale duwan ee bulshada , kuwaa oo diyaar u ahaa in  in ay ka qayb qataan  Gurmadka Abaaraha Qaranka .

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay Ahmiyadda koowaad siisay u gurmashada dadka Soomaaliyeed oo Abuuruhu ay saameeyeen kuwaasi oo ku sugan Guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa xusay in Qasnada dowladda ay ku jirto lacag gaaraysa ku dhowaad 1-Milyan oo dollar oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen, wuxuuna xusay R/wasaaruhu in maalinta Sabtida ah ee nagu soo aaday lacagtaasi lagu wareejin doono Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...