Kulan lagu xoojinayay xiriika jaaliyada Soomaaliyeed iyo laamaha amaanka Koonfur Sudan oo lagu qabtay magaalada Juba.

Date:

Kulankan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen wasaarada arimaha gudaha ee wadanka Koonfur Sudan iyo safaarada Soomaaliya ee magaalada Juba ee caasimada wadanka Koonfur Sudan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay xariirka jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadankan iyo laamaha kala duwan ee amniga.

Ugu horeyn waxaa kulanka furay wasiirka arimaha gudaha Koonfur Sudan Michael Chiangjiek Geay kaasi oo sheegay in dowladiisu dhiirigalineyso maalgashiga oo ay Soomaalidu ugu horeyso asigoona faray hay’adaha amniga in la xaliyo baahiyada iyo cabashooyinka ganacsatada Soomaaliyeed sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale danjiraha dowlada Soomaaliya ee wadanka Koonfur Sudan mudane Xuseen Xaji Axmed ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay tahay badbaada nafta iyo hantida soomaaliyeed oo aan lagu xadgudbin meelna looga soo wada jeesto wixii dhibaato u keenayo labada dhinac.

Ugu dambeen kulanka ayaa ku soo idlaaday is afgarad aad wanaagsan laguna xaliyay dhamaan caqabadiihii taagnaa sidoo kalene la isku waafaqay in meel looga soo wada jeesto dadka wax tahriibiya iyo wixii keeni kara amni darado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...