Ciidamadda Amaanka oo gacanta ku dhigay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey

Date:

Ciidamada amaanka ee Gobolka Bari ayaa habeenimadii xalay gacanta kusoo dhigay gaari lagasoo buuxiyey walxaha qarxa waxaana gaariga lasocdey 5ragga oo loogu tala galay iney fuliyaan qorshaha lagu qarxinayo hubkan.

Walxahan qarxaha oo ahaa ilaa iyo 3waaxood ayaa lagu wadey in lagu qarxiyo  goobo kala duwan oo ku yaala Boosaaso  waxaana gaarigan laga qabtay wadada jidka 30ka ee Bosaaso gaar ahaan inta udhexeysa madaxtooyada iyo cusbitaalka 3 xidigood bosaaso.

Taliyaha qaybta gobolka bari C/xakiim Xuseen Yuusuf oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa faahfaahiyey hawlgalkan ciidamadu kusoo qabteen Kooxdaan katirsan Malayshiyaadka Al-shabaab waxaana uu xusay in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa kooxdan.

Taliyaha ayaa shacabka usheegay iney dagaal ku jiraan loona baahanyahay iney la shaqeeyaan shacabka si looga guulaysto kooxaha kasoo horjeedka amaanka Gobolka.

Hawlgalkan lagusoo qabtay gaarigan laga soo buuxiyey Waxlaha qarxa ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo noociisa oo ciidamada amaanka sameeyaan sanadkan 2017 waxaana uu qeyb kayahay qorshaha lagu horumarinayo amaanka deegaanada Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...