Dowladda Shiinaha oo 10 Malyan oo doolar oo ay ugu talagashay dadka ay abaaraha saameeyeen ku wareejisay

Date:

Madaxa Barmaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada WPF ee Soomaaliya ,safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliyo iyo wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyina Dowladda Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa goobta lagu wareejinayay deeq lacag oo gaareysa Toban Milyan oo Doolar (10,000$) oo Dowladda Shiinaha ay ugu tala gashay dadka Soomaaliyeed oo ay abaarta saameysay ,iyadoo si toos ah deeqdaas lacagta ah loo soo marsiinayo Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP.

ย U qeybsamaha Barnaamijka Cunada Aduunka WFP ee Soomaaliya Laurent Bukera ayaa sheeegay in WFP ay mudo badan caawineysay dadka Soomaaliyeed kuwooda caawinta u baahan ,hadana ay diyaar u tahay in ay sii wado โ€œmarka hore waxaan rabaa inaan u mahad celiyo safiirka shiinaha ee soomaaliya oo ka turjumay sida shacabka shiinaha ay mar walba u garab taaganyihiin dadka soomaaliyeed ayna ka taageeraan dhinaca gargaarka baniโ€™aadanimo,anaga WFP ahaan waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno caawinta dhinacyada kala duwan leh oo aan mar walba la garab taaganahay dadka Soomaaliyeed ,deeqdan lacagta ahna waxa loogu tala galay in lagu caawiyo dadka aadka u liita ee ay abaarta saameysay sida haweenka iyoย  caruurta kuwooda ay nafaqa darida heysatoโ€.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen oo dhinacyo kala duwan leh islamarkaana Dowladda Shiinaha mashaariic kala duwan ay ka fulisay Soomaaaliya hadana ay diyaar u tahay in ay sii wado ,waxaana safiirka sidoo kale uu sheegay in Dowladda Shiinaha iyo Shacabkeeda oo iskaashanaya ay mar walba diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dadka soomaaliyeed ee abaarta saaameysayโ€œlacagtan waxaan ugu tala galnay dadka abaarta saameysay gaar ahaan dhinacyada nafaqa darida ย ,waxaana rajeyneyaa in ay qeyb ka qaadato caawinta dadka soomaliyeed oo ay abaarta saameysay,waaana sii wadeynaa taageeradda dadka soomaaliyeed iyo dowladoodaโ€.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyina Dowladda Soomaaliya Drs Maryam Qaasim Axmed oo u mahad celisay Dowladda Shiinaha oo deeqdan lacagta ah soo dhiibtay iyo Wfp oo lasoo marsiiyay ayaa sheegtay in ay wax badan ka tari doonto baahida dadka ay abaarta saameysay.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyina ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka iyo dibadiisa iyo sidoo kale beesha Caalamka in ay gar gaaraan dadka ay abaarta saameyn ku yeelatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iiman Cige oo...

โ€˜Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe...