Shir loo qabtay xildhibaanada haweenka ah ee Soomaaliya

Date:

Ujeedada shirkan loo qabtay haweenka ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah ka qeybgalka siyaasadda dalka ee haweenka, waxaana soo qaban qaabiysay hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada UNDP iyadoo furitaanka shirkana ay goob joog ka ahaayeen labada guddoomiye ee barlamaanka jamhuuriyadda, xubno ka socda baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo qaar kamid ah haweenka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.

Madaxa UNDP ee Soomaaliya, George Conway, ayaa sheegay in ay u jeedkoodu yahay in haweenka Soomaaliyeed lagu dhiirigeliyo doorka ay ku leeyihiin hanaanka siyaasadda iyo sidii ay u heli laayeen xuquuqda ay dalka ku leeyihiin.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya, Deeqa Yaasiin  Yuusuf ayaa shirka ka sheegtay in kordheen tirada haweenka ah ee soo galay baarlamaanka dalka doorashadii u dambeysay, waxayna xustay in haweenka looga baahan yahay haweenka siyaasadda soo galay looga baahan yahay in ay ka warqabaan arimaha ka jira deegaan doorashooyinkooda.

Guddoomiyaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sheegay in haweenku ay kaalin muuqata ay ku leeyihiin horumarka dalka isla markaana xilligan ay tahay in isku duubni la yimaadaan.

Mudane Maxamed Sh Cismaan guddoomiyaha golaha shacabka oo hadal u jeediyay ka qeybgaliyaasha shirkan ayaa sheegay in caqabado badan ay ku hor gudban yihiin haweenka Soomaaliyeed dhanka siyaasadda hase ahaatee loo bahan yahay in arimo badan la fiiriyo marka laga hadlayo haweenka iyo siyaasadda.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale haweenka ku booriyay in ay yeeshaan ajende qaran oo tilmaamaya waxyaabaha haweenka ahmiyadda u leh.

Shirkan oo labo maalin ka socon doono magaalada Muqdisho ayaa ayaa lagu sheegay in uu bilow yahay shir sanadleh ah oo haweenka Soomaaliyeed loo qaban doono, iyadoo sidoo kale ka qeybgashay xubin ka socotay  baalamaanka dalka Uganda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...