Askar tababar loogu soo xirey Magaalada Kismaayo

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta  tababar u soo xiray dufcadii sadexaad ee ciidamada booliska Jubbaland kuwaas oo mudo sadex bilood ah uu tababar uga socday Akadeemiyada tababarka Ciidanka Booliska Jubbaland ee Kismaayo.

Ciidankan oo la baray dhamaan casharada layliga Askari iyo dhamaan waxyabaha uu u bahan yahay askariga booliska ah ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysa 201 Askari oo isugu jira wiilal iyo Gabdho si wanaagsan loo carbiyay.

Dabagalka, kahor taga dambiyada, barista, ka hortaga rabshadaha, iyo habab kala duwan oo is difaacista shakhsiga ay kamid tahay ayay Askartu goobta kusoo bandhigeen.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacad oo ka qeybgalay munaasabada tababarka loogu soo xirey askartan ka tirsan booliiska ayaa sheegay in ay xooga saari doonaan sidii loo heli lahaa booliis dalka oo dhan ka howlgala isla markaana leh tayadii looga baahnaa.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa munaasabada ka sheegay in Jubbaland ay dadaal dheer galisay dhismaha Ciidamo Boolis ah oo tayo leh sidii lagu heli lahaa maadama baahida ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay Boolis si wanaagsan u shaqeeya maadama falalka ammaanka lidka ku ah ay yihiin kuwo u baahan khibrad iyo xeel dheeri wax ku ool ah.

Madaxweynahu wuxuu ka codsaday dowlada Federaalka ah in ay si siman u qaybiso waxyabaha lagu helo magaca Soomaaliyeed isla markana dhismaha ciidamada booliska la gaarsiiyo dalka oo dhan la iskana kaashado sidii boolisku uu u noqon lahaa sidii lagu yaqiinay bari samaadka.

Isagoo ka hadlayay Xoraynta deeganada maqan ayuu hoosta ka xariiqay Madaxweynahu in Booliska maanta tababarka dhamaystay ay yihiin kuwii xasilin lahaa magaalooyinka gacanta dowlada ka maqan marka la xoreeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...